khaalid kaamil - qalbigu saaxiib ma yeesho lyrics
Loading...
[1]
naftaydani suufiyawga
xaraabe adduun ka soomman
si aan dhadhan ugu sameeyo
mar baan idhi saaka guurso
garaadkaa igu su’aalay
jacayl safar weeye dheere
haddaad sahanli’i hayaanto
sareedo miyaad ka gaadhi?
[dhextaal]
sunnaha kalgacaylka weeye
hadduu ka saqiiro caashaq
qalbigu saaxiib ma yeesho
[2]
naftaydani saamalaylka
caways subaxdii ku gaadha
si aan hurdo ugu sameeyo
mar baan idhi saaka guurso
garaadkaa igu su’aalay
qofkaad is lahayd ku seexo
hadduu muran kugu salaamo
miyaad soojeed ka baaqsan?
[dhextaal]
sunnaha kalgacaylka weeye
hadduu ka saqiiro caashaq
qalbigu saaxiib ma yeesho
Random Lyrics
- lovehatespace - 38° lyrics
- jonathan allen wright - stories lyrics
- ivan-o-vic - chopper lyrics
- riot.thedevil - pretty face lyrics
- risky_e - morkovnye lyrics
- shdegd - better off lyrics
- purple kiss (퍼플키스) - encore lyrics
- 444jet - pay 4 dat lyrics
- akua naru - surrender (masi's joint) lyrics
- ajr lyrics lyrics