
khaalid kaamil - waraaq ku qor oohintaada lyrics
Loading...
[1]
dharaar werwer uu ku fuulay
walaacyadu waa culayse
waayaha haku haysan laabta
la qaybso walaal dhibtaada
habeen walbahaar da’aayo
daruuraha wahabka keena
markuu waqalkoodu hooro
guryaha wehelkaaga booqo
[dhextaal]
qof aad la wadaagto sheeko
adduunka haddaad ka waydo
qalinku nafis buu wataaye
waraaq ku qor oohintaada
[2]
ayaamuhu waa wareere
haddii dhulku kula wareego
cirkaa garab laga wacdaaye
wardiga xadhigiisa hayso
waqtiga adag ee hadheeyay
haddii kashu wayraxayso
rabbiga waanwaan la qaado
wanaaji dheh maalmahayga
[dhextaal]
adduunka haddaad ka waydo
qof aad la wadaagto sheeko
qalinku nafis buu wataaye
waraaq ku qor oohintaada
Random Lyrics
- jennie - solo (januar ca & palm tree gang sundanese remix) lyrics
- aespa - pink hoodie lyrics
- abbie ferris - guilt don't live here anymore lyrics
- ruin ariel - solo dime que si lyrics
- sazamyzy - google moi lyrics
- 3ee - supersonics lyrics
- skepta & jme - dj ag online freestyle lyrics
- dawson anderson - lonely round me lyrics
- david deseo - rómpeme lyrics
- bits of alan - idiopathic lyrics