
safwaan halac - taashka arooska lyrics
[1]
jacayl ka tallaalmay jalleeco
ayaa ku tarmaaya kashayda
tushkaa dhabankaaga ku yaalla
ayaa igu toogtay dareenka
tallaabada laafyaha muuqa
naftaa tidhi eeg ha ka jeedsan
jacayl sida roob igu tiixay
ayaa togag weyn iga jeexday
abbaayo warkaad igu tuurtay
ayaa talo weyn igu beeray
si aan tixo kuugu sameeyo
xalay xiddigaan tirinaayay
[dhextaal]
hadduu cishqigeenni tisqaaday
macaan xidho taashka arooska
taariikhda si aan ugu waarno
taswiir ila soo gal xasuus ah
[2]
si uu tuhun uuga badbaado
nacayb ka tallaal cishqigeenna
si uu toddobaatan u dhaafo
tayaa gurigeenna u seesa
si aan tafaraaruq u biinno
talaa labadeenna midaysa
hadeer tamashlaan baxaynaaye
tareen kalgacayl ila soo kor
indhaa qurux baa la tusaaye
togdheer iyo kaalay sanaag tag
tafiirta dhulkii laga beermay
tusmooy bilicdeeda kor daalo
[dhextaal]
hadduu cishqigeenni tisqaaday
macaan xidho taashka arooska
taariikhda si aan ugu waarno
taswiir ila soo gal xasuus ah
Random Lyrics
- triples - 12 rings lyrics
- max&joy - alex' skit lyrics
- sufferplenty - drugs in my system lyrics
- abluka alarm - geçmişi yok say lyrics
- not enough space - primitive lyrics
- martyn joseph - 4 the $ lyrics
- x-cetra - conversation lyrics
- bandida - wachita lyrics
- the electric chairs - 28 model t lyrics
- machine girl - try again chump lyrics