gulled simba – mar la arag lyrics
#verse
muuqa quruxda leh mar waxaan idhi
ma dhirtoo mayay subax maydhoo
ubax midabliyo manka bixisaa?
muuqa quruxda leh mar waxaan idhi
ma dhirtoo mayay subax maydhoo
ubax midabliyo manka bixisaa?
murtideedana mar waxaan idhi
ma abwaan mudhay oo tix mariyiyo
sheekh muftiya oo la majeertaa?
ooo ooo la majeertaa?
murtideedana mar waxaan idhi
ma abwaan mudhay oo tix mariyiyo
sheekh muftiya oo la majeertaa?
ooo ooo la majeertaa?
#chorus
maanka deeqaay maalin iyo layl yaa ku milicsada?
yaa maalyuuniyo kun ka mudaneey meel xun kaa jira?
oo marwaad tahay milgo sharafliyo
rabbi maamuus ku mannaystee
yaa mulaaxyahay meher kugu xidha?
mulaaxyahay meher kugu xidha?

#instrumental
#verse
mar la aragyahay mar waxaan idhi
ma tufaaxiyo midho canabaa
mise waa dahab luulka midabkaa?
mar la aragyahay mar waxaan idhi
ma tufaaxiyo midho canabaa
mise waa dahab luulka midabkaa?
mar waxaan idhi wax la muunadi
ma joogee ma xariiriyo
xuural cayn mudan oo mar timid baa?
ooo ooo mar timid baa?
mar waxaan idhi wax la muunadi
ma joogee ma xariiriyo
xuural cayn mudan oo mar timid baa?
ooo ooo mar timid baa?
#chorus
maanka deeqaay maalin iyo layl yaa ku milicsada?
yaa maalyuuniyo kun ka mudaneey meel xun kaa jira?
oo marwaad tahay milgo sharafliyo
rabbi maamuus ku mannaystee
yaa mulaaxyahay meher kugu xidha?
mulaaxyahay meher kugu xidha?
maanka deeqaay maalin iyo layl yaa ku milicsada?
yaa maalyuuniyo kun ka mudaneey meel xun kaa jira?
oo marwaad tahay milgo sharafliyo
rabbi maamuus ku mannaystee
yaa mulaaxyahay meher kugu xidha?
mulaaxyahay meher kugu xidha?
#outro

Random Lyrics
- twice – talk talk talk lyrics
- sewerperson – hallelujah (cover) lyrics
- dylan sinclair, destin conrad & jvck james – open (remix) lyrics
- nonewfriends. (us) – love me lyrics
- samuel white – felt the same lyrics
- elvis crespo, henry fong & deorro – pica (mixed) lyrics
- magnolia park – misfits lyrics
- compulsive gamblers – way down in the hole lyrics
- michael jacques parker – play me / flexin` lyrics
- ryllz – hunt you down lyrics